Madaxweyne Farmaajo Oo Wareysi Siiyey Tv-ga Aljazeera Ayaa Ka Hadley Cidda Ka Dambeysa Weerarkii Zoobe (Video)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dambeyso qaraxii weynaa ee 300 qof ku dilay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, 14-kii October.

Farmaajo ayaa u sheegay TV-ga Aljazeera in faraha Al-Shabaab ay ka muuqdaan qaraxa, islamarkaana ay kooxdan taariikh u leedahay weerarada noocan oo kale ah. “Farahooda ayaa ka muuqda, waa wax ay horey u sameyn jireen” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, oo beesha caalamka ka dalbaday inay ka caawiso la dagaalanka kooxdan.

“Haddii Al-Shabaab ay tani ku guuleystaan waxaa u fududaan doonta inay sare u qaadaan fikradahooda waalan iyo kuwooda siyaasadeed ee ku wajahan dhallinyarada Mareykanka iyo Yurub” ayuu yiri madaxweynaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE