Magaalooyinka Muqdisho Iyo Baydhabo Oo Maanta Leysugu Soo Baxay Iyo Shacabka Oo Muujiyey Siday Uga Xunyihiin Weerarka Bahalnimada Ah Ee 14-kii Bishan Ka Dhacey Muqdisho (Sawiro)

Qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxa ka socda dibadb baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo weerarkii bahalnimada ahaa ee 14-kii bishan ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dibadbaxan oo uu shalay ku baaqey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dadka ka qeyb galaya waxay ku qeylinayaan erayo ka dhan ah kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.

Waxa lagu wadaa nin dadkan dibad baxa dhigaaya goob fagaare ah ay kula hadlaan Madaxda Maamulka Gobolka iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale Wadooyin ku yaalla magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah Maamulka Koonfur galbeed ayaa waxa ka socda dibadbax la mid ah kan Muqdisho ka socda.

Dadka Baydhaba dibad baxa sameenaya ayaa madaxa kusoo xirtey maryo gaduudan, waxaana ay ku baaqayaan in loo midoobo maleeshiyada dhiigya cabka ah ee Shabaab.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyey siday uga xunyihiin weerarkii 14-kii bishan lagu laayey shacabka Muqdisho, waxaana magaalooyinka dalka ka socda dibadbaxyo xoogan.

Hoos Ka Daawo Sawirada Shacabka Magaalada Baydhabo

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE