Munaafaqa Illaahay Uma Gargaaro Muuminka Ayaa Illaahay U Gargaaraa Mogdisho W/Q Yuusuf Omar

Waxaan illaahay uga baryayaa dadkii ku dhintay dabargoynta soomaaliyeed,inuu janadiisa geeyo ehelkoodna ka siiyo samir iyo iimaan.Waxaan illaahay uga baryayaa inta dhaawaca ah in uu bogsiiyo oo caafimaadkoodii u soo cesho.waxaan tacsi u dirayaa umada soomaaliyeed guud ahaan shacab iyo dawladba.intaa kadib.

Waa in aan wax ka baranaa waxa ka dhacaya dalkeena 27 sanadood.Dalkeenu waxa uu leeyahay cadaw ah soomaali kuwaas oo aan doonaynin dalkeena in uu kabaxo nabad galyo xumida iyo fawdada.Madoonayaan in aynu yeelano dawlad shaqaysa. iyagu waa DAWLAD DIID.caasimada dalkeenii waxay noqotay hoyga DAWLAD DIID. waxba macno ma samaynayso in ay inoo sheegtaan magacyo kala duwan oo mararka qaarkood ay diin inoogu soo gabadaan oo sheegtaan,marna ay ahaayeen dagaal oo gayaal waxaas oo dhan oo ah DAWLAD DIID shaatiga uu badalanaya,mar haduu doono shaan dawladeed buu wataa wuxuna waa uun hal oo ah DAWLAD DIID. waxaana kaalmeeya maafiya kasta iyo dawladkasta iyo dhagar qabe kasta oo dalkeena baa bi isiisa jecel. laakiin shisheeye waxba kaa qaadi maayo hadaan DAWLAD DIID jirin ah soomaali oo la shaqaysanaya.

Soomaaliya magaalooyinka kale oo dhan kama dhacaan xasuuqyadan oo kale maxaa u gaar yeelay MOGDISHO? Xili walba iyo dawlad kasta oo dhalata xasuuqani waa jiraa MOGDISHO waa maxay sababtu? Hadii lagu fasiro arintu waa qabiil oo dadka muqdisho u dhashay marabaan madaxwayne gobolkale kayimid,maxaa xasuuqu u socdaa xiligii cali mahdi,xiligii cabsi qaasim,xiligii shariif,xiligii xasan sheekh?

0goow hadaba sababta magaalooyinka kale aysan waxaani uga dhicin waa hal arin oo kaliya taasoo ah shacabkaa qabta maamulkana kusima cida isku dayda xasuuq shacab.shacabkaan ogolayn in dadkooda la gumaado dhimasho ayayna ka xigaan.shacabku gaajo kasta oo haysa ileen soomaaliya waa isku mid oo baahidu waa kawada jirtaaye ayaan damiir ahaan ogolayn lacagbaan kusiin hay sheegin dadkaan gumaadiye!! tan shacabku waa diiday,

Shacabka caasimada soomaaliya MOGDISHO waxaa caado iyo dhaqan u ah in 1000 qof oo meel wada jooga oo qaar hubaysan yihiin in qof inta dhex yimaado qofkale xabad la dhaco oo nafta ka jaro kadibna iska dhaqaaqo si aayar ah oo cid qabsho iska dhaafe la hada shaa jirin!! lagama yaabo xataa in la sheego ninkaa loowada jeeday ee maalin cad qof ku dilay 1000 qofood hortooda!! markii ciidanka dawladu waydiiyana qof u sheegaysaa ma helayaan. waxayna ku jawaabayaan aniga ma ogeeyn waxa dhacay ma arkaynin waxa dhacay! waana ogyihiin oo yaqaaniin magaciisa oo sadexan kan wax dilay cidiisa iyo qabiilkiisaba!! lamana sheegayo.

Shacabka MOGDISHO waxa lagu qiyaasaa 3000 000 sadex malyan waxaana gumaada dhawr boqol oo wiil sidee ku dhacday? macnaha waxaa weeye ma sheegayaan iyagoo og dadka dadka gumaada.waxay ku haystaan guryahooda waa qariyaan oo la shaqeeyaan yaabka la arkay.isagoo og in cadawgu gumaadayo hooyadiis oo suuqa aaday dan kamalaha mana sheegayo cadawga uu ogyahay!! yacni shacabka MOGDISHO sida diinteenu qabto dadka noocaas oo kale ahi waa MUNAAFIQIIN waxayna ka liitaan gaalka.

Waxaa cadayn u ah oo daliil ah waxay ku leeyihiin dawladaan raacsanahay oo dawladnimaan rabanaa,nabad aan rabnaa hadana waxay la shaqaynayaan DAWLAD DIID oo markii dawladu waydiiso waa qarinayaan! markaa waxa uu afka ka sheeganayo iyo waxa uurka jiraa waa kala duwan yihiin markaa waa MUNAAFAQ CAD. munaafaqu hormar ma gaaro gargaar rabina mahelo.Gumaadka lagu hayo shacabka MOGDISHO waa mid dhaqankooda ah iyo xasadka dhexdooda ahaaday.waxay aamin sanyihiin maxaa iga galay?

Waligeed lama arag qof lasoo qabtay oo shacabka mogdisho iska soo dhex qabteen? qofka iyaga gumaadaya cirka kama soo dhicin dhulkana kama soo bixin ee waa dad ay yaqaaniin oo la nool.waxani waligoodba waa ka jirayaan MOGDISHO waana arin damiir iyo dhaqan la xariirta.Markaa waa magaalo MUNAAFAQIIN ISUGU HARTAY.Illaahay waxa uu u gargaaraa kuwa dhexdooda iyo nafsadooda u gargaara.

kuwii arinta ogaa ee qaban waayay ayaa dadkii la xasuuqay ku kor oo yaaya munaafaqnimo heerka ay ka gaareen dadka MOGDISHO.nin isagu cadawgii dilaayay isku soo hogaaminaaya oo qarinaya oo hoosta ku haysta cidna ma caawin karto.waxa dhacay maha wax ku cusub MOGDISHO mana aha wax ay diyaar u yihiin inay sheegaan oo iska qabtaan si aysan u dhicin mustaqbalka dhaw iyo kan dheer.waa soo dhawaynaynaa in xukuumadu uguurto gobolada mid kamid ah oo wasaarad walbaa ku qabanayso hawsheeda qaran iyo adeega bulsho ee dawladnimo ee shacabka ay u hayaan,si wasiir walbaa xilkiisa u gudo una helo meel amaan ah oo uu ku shaqeeyo.dalkeena meeshii aan doono ayaan ka dagi karnaa oo dawladu ku shaqayn kartaa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE