Natiijooyinka Kulamadii Koobka Kooxaha Qaarada Yurub Oo Xalay La Ciyaarey, Iyo Kooxda Tottenham Oo Estadio Santiago Bernabeu Ku Silcisey Real Madrid

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku garaacday kooxda Napoli kulan qaybtii hore ee Etihad Stadium ay Manchester City wacdaro layaableh ay ka dhigtay. Kooxda Guardiola ayaa u muuqatay in ay tahay kooxda ay hadda adag tahay in la joojiyaa iyada oo qaybtii hore ee kulankan Napoli carruuraysay isla markaana u diiday in ay kubbada isku dhiiban karaan.

Daqiiqadii 9 aad Raheem Sterling oo ku jira qaab ciyaareedkiisii abid ugu fiicnaa ayaa Man City u dhaliyay goolka furitaanka laakiin daqiiqadii 13 aad ayuu da’yarka Gabriel Jesus goolka labaad u keenay City waxayna u muuqdeen kuwo bilaabay gool dhalintii daadka ahayd ee looga bartay.

In markii ay ciyaartu socotay 13 daqiiqo ay Manchester City hogaanka ciyaarta ku haysay 2-0 ayaa qof kasta ka yaabisay laakiin haddna Napoli ayaa awooday in ay dagaalanto isla markaana ay iska caabiso weerarka dhulka gariirka ahaa ee City.

Manchester City ayaa heli kartay in ay afar gool dhaliso xili horeba laakiin darbo aan la rumaysan karin oo uu Keven De Bruyne uu lugta bidix ku tuuray ayaa birta goolka Napoli si wayn uga soo booday iyada oo xariiqda goolka ku agdhacday laakiin markakale Gabriel Jesus ayaa u muuqday in uu dhaliyay goolka saddexaad ee City basle xariiqda goolka dushiisa ayaa kubbada lagu joojiyay.

Napoli ayaa daqiiqadii 38 aad iska lumisay fursad ay ciyaarta ugu soo laaban kareen oo ay goolka furitaanka ku keensan kareen kadib markii rekoodhe lagu abaal mariyay laakiin goolhaye Ederson Moraes ayaa kooxdiisa badbaadiyay kadib markii uu Mertens ka beeniyay rekoodhe.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ay jamaahiirta Manchester City sida ay doonaan ugu raaxaysteen laakiin markii layskugu soo laabtay Napoli ayaa muujisay sababta ay u yihiin hogaamiyaasha horyalaka Talyaaniga.

Qaybtii danbe ee ciyaarta Manchester City ayaa hoos u dhigtay dardartii waalida ahayd ee ay ku socotay halka Napoli ay la soo baxday qaab ciyaareed fiican oo ay dhibaato ugu abuurtay Man City laakiin wali Napoli ayaan u muuqan kuwo awood buuxda ciyaarta ku leh.

DAQIIQADII 73 AAD Man City ayay xaaladu ku xumaatay kadib markii Fernandinho uu qalad ku galay Allan waxaana markii labaad Napoli loo dhigay rekoodhe kale si ay ugu yaraan shabaqa City ug aadhaan. Iyada oo hore uu Mertens u soo qasaariyay rekoodhihii hore ayuu markan Diawara kooxdiisa Napoli u dhaliyay goolka ay rajada ku soo nooleyeen waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay wali City hogaanka ciyaarta ku hayso.

Napoli ayaa dagaal wayn u gashay in ay ciyaarta si buuxa ugu soo laabto oo ay goolka barbaraha keensato laakiin sidoo ake City ayaa raadinaysay goolka saddexaad si ciyaarta u disho basle ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Man City guul muhiim ah ku gaadhay.

Dhinaca kale kooxda ree Spain ee Sevilla ayaa waji gabax aan la rumaysan karin kala soo laabtay kooxda Spartak Moscow oo 5-1 ku soo gumaaday. Inkasta oo ay Sevilla ahayd kooxda hogaanka u haysay Groupka ay Liverpool ku waada jiraan waxay gumaad naxariis daro ah kala soo laabtay Spartak taas oo warka ugu fiican u noqotay kooxda Liverpool oo iyaduna rekoodh cusub soo dhigtay kulakii ay 7-0 ku soo gumaaday Maribor.

HALKAN KAGA BOGO NATIIJOOYINKII CAAWA OO DHAMAYSTIRAN:

W/Q Mohamoud Batalaale

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE