Shir Maanta Ka Dhacey Isbitaalka Magaalada Marka Iyo Mustaqbalka Hey’adda SWISS Oo Lumay (Warbixin)

Isbitaalka weyn ee magaalada Marka ayaa maanta waxa lagu qabtey shir abaabulaan oo ay ka qeyb galeen Odayaal afar jeeblayaal ah oo lagu tiriyo kuwo Calooshooda u shaqeystaal aan u adeegeyn danta bulshada.

Xarunta Isbitaalka oo ku dhawaad shan sano saldhig u ah Maleeshiyo beeleed, ayaa shirkii maanta looga arinsanaayey sida Odayaal lagu sheegey in ay yihiin kuwa deegaanka ay uga hadli lahaayeen warar been abuur ah oo ay u laqimeen hogaamiye kooxeedyo xoog ku heysta Isbitaalka.

Maalinnimadii sabtida ee lasoo dhaafey ayaa waxa jirey shir loo qabtey dad si magac ahaan u jooga Isbitaalka oo lagu sheegey in ay yihiin Shaqaale, kuwaas oo qaadan jirey qeyb ka mid ah lacagaha loogu tala galay in adeeg loogu qabto bulshada, halka lacagtaas inteeda badan ay ku bixi jirtey barakicin shacab iyo gaboodfallo ay amri jireen hogaamiye kooxeedyada SWISS KALMO.

Ka qeyb galayaasha shirka ayaa loo sheegay in uu jiro culeys dhaqaale ama la waayey qandaraasyadii lagu heli jirey magaca Samafal oo ay ka daba yimaadeen cadeymo muujinaya waxyaalaha loo adeegsan jirey dhaqaalahaasi, waxaana shaqaalaha loo sheegay in ay istaagtay lacagihii la heli jirey.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in shaqaalaha lagu wargeliyey in ay soo qoraan Liis uu ku qoranyahay magacayadooda iyo qabiilada ay kasoo kala jeedaan, waxaana qof walba loo sheegay in uu ku qoro qabiil gaar ah, (sida in la muujiyo in isbitaalka ay ka howgalaan dad kala duwan oo aan isku qabiil aheyn).

Kaliya labada bil ee ka dhiman sanadkan sii dhaamanayaa ayaa shaqaalaha loo sheegay in ay ku xisaabtamaan lacagaha la siiyo, waxaana si cad loogu sheegay in la waayey dhaqaalihii xad dhaafka ahaa ee lagu bixin jirey dagaalada.

Odayaasha maanta la wacay ayaa looga warbixiyey dagaalka ay faraha kula jirto hey’ad beeleeddka SWISS oo laga joojiyey qandaraasyadii ay ku heli jirtey isbitaalka oo loo baahanyahay in bulsha ahaan ay u dacwoodaan hey’adaha dhaqaalaha bixiya.

Odayaasha afar jeeblayaasha qaarkooda ayaa shirka looga wacey ka sheegay hadal weyn oo ay dhibsadeen kuwa goobta isugu keenay, waxaana ay sheegeen in xog badan laga haayo sida uu u shaqeeyo isbitaalka, hadiiba lasoo ogaadey in dhaqaalaha la joojiyey, ayna jirin cid war ka maqleysa, iyadoo mar hore hey’adda loo aqoonsadey mid lug leh gabood fallo iyo dhibaato ka dhacey Gobolka Shabeelada hoose.

Bilooyin ka hor ayaa dhaqaalo yaridda hey’adda laga dareemay isbitaalka, dadka markaas saameynta ugu badan ay ku dhacdey waxa ka mid ahaa Calooshiisa u shaqeyste Cabdulaahi Gar-weyne, oo laga jarey lacag dhan lex boqon oo doolar.

Kaaba Mooryaanta SWISS ayaa afartii sano ee lasoo dhaafey hurinaayey dagaalada dhul boobka ah ee beeshooda ay ka wadey Gobolka Shabeelada hoose, waxaana ahadda ay u muuqdaan kuwo ku baxey wadii hore ay u martey hey’addii dagaalada Barakaca uga horeysey ee COSVE.

Waxaan soo gudbin doonaa xog ku saabsaan Horjoogayaasha Hey’adda oo isku khilaafsan In guud ahaanba Laga guuro Shabeelada hoose oo xoogga la saaro Xafiisyada ku yaalla Gobolka Galguduu, iyadoo shakhsiyaadka ishaaya laga xusi karo Cabdi Cabdulle iyo Cali Cilmi.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE