Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Shacabka Ee Soomaaliya Oo Ku Geeriyoodey Isbitaal Ku Yaalla Dalka Hindiya

Bootaan Ciise Caalin oo ahaa Mudane ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in xalay uu ku geeriyooday dalka Hindiya ka dib markii halkaasi uu u tagey arrimo la xiriira xaalad caafimaad oo aan mudooyinkii danbe wanaagsaneen.

Eheladiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in marxuumka uu ku geeriyooday Isbitaalkii uu ku jiray maalmihii la soo dhaafay.

Qaar ka mid ah Ehelada marxuumka iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Bootaan, oo habeenkii xalay ku geeriyooday isbitaalka ku yaalla dalkaasi Hindiya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Soomaaliya sidoo kale hada ka tirsan Barlaamanka 10aad ee Soomaaliya waana Siyaasi caan ka ahaa Gudaha iyo Dibadda Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa ka mid ah Xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah Maamulka Galmudug.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE