Laamiga Isgoyska Zoobe Oo Weerar Culus Uu Ka Dhacey 14-kii Bishan Ayaa Lagu Bilaabey Dhisme Cusub (Sawiro)

Laamiga Isgoyska 14-ka Oktoobar ex Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu bilaabay dhisme iyo dayactir, ka dib bur bur soo gaarey weerarkii cuslaa ee maalintii sabtida lagu qaadey.

Shirkadda qaabilsan dhismaha waddooyinka ee Kulmiye General Service Limited ayaa dhisme ku bilowdey ilaa 500 mitir oo isku weer ah, si dib loogu soo celiyo wadadaasi isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha.

Sidoo kale wadada ayaa laga bilaabay dhismaha Baallooyinkii cadceeda ee habeenkii ka ifiya laamiga ee ka dhisan wadooyinka qaar ee wadooyinka Muqdisho, kuwaas oo ku burburey gaariga weerarka geystey.

Dhsimayaashii ku yiilay hareeraha wadada ayaa shalay gelinkii hore milkiiliyaasha bilaabeen in ay dib u bilaabaan dhismahooda, iyadoo qeybaha bur buray lagu wareejiyay jiingado.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qeyb ka qaatay dhismaha jidkaas, isagoo dhagax dhigay sheegayna inuu shaqada jidkaad wax ka wadi doono ilaa laga dhameenanyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE