Maleeshiyaadka Kooxda Daacish Oo Hooyo Iyo Wiilkeed Ku Dilay Degaan Ka Tirsan Gobolka Bari

Rag hubaysan oo la aamisan yahay inay ka tirsanaayeen ururka ISIS (daacish) ayaa tuuladda Canjeel oo ka tirsan degmadda Bali-dhidin ee gobolka bari waxay ku dileen Hooyo iyo wiil laxaadkiisu dhiman yahay oo ay dhashay.

Wararku waxay sheegayaan in maleeshiyaadka Daacish ay tuuladda soo galeen abaarihii 10kii fiidnimo ee xalay, kadibna ay weerareen guri ku yaal bartamaha tuuladda oo sida ay dad goobjoogayaal shegeen, uu lahaa askari ka tirsan ciidamadda Maamulka Puntland, waxaana ku noolaa gurigaasi hooyo iyo caruur ay dhashay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka degaanku ay aad uga xumaadeen falkaasi oo ay ku tilmaameen mid waxashnimo ah oo dhaqanka Soomaalida ka fog in la dilo hooyo iyo wiilkeeda. waxayna sheegeen in dhibaatooyin badan ay kala kulmaan kooxdaasi oo ku dhuumaalaysata buuraha iyo dhulka miyiga ee degaanadaasi.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE