Wararkii Ugu Dambeeyey Maleeshiyaad Shabaab Ka Wada Tirsan Oo Ku Dagaalmaya Gobolka Jubada Dhexe

Warar laga helaayo Gobolka Jubada dhexe ayaa ku waramaya in halkaas laga dareemayo dagaal u dhaxeeya Kooxda Shabaab dhexdeeda oo gacanta ku heysa inta badan Gobolka jubada dhexe.

Dagaalka ayaa lagu waramayaa in uu ka socdo deegaano ku dhow degmada Jilib, iyadoo halkaas ay isku fara saareen laba koox oo maleeshiyada Shabaab ka tirsan oo ay kala hogaaminayaan horjoogayaal kala aragti duwan.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid ka dib markii horjoogayaal dhowr ah ay isugu yimaadeen shirar ay uga arinsanaayaan xaaladaha kooxda iyo arimo markaasi taagnaa ayaa isku bedelay gacan ka hadal.

Inta badan isgaarsiinta deegaanka dagaalka uu ka socdo ayaa hawada laga saarey, waxaana lagu soo waramayaa in halis la geliyey nolosha horjoogayaal badan oo fikir ahaan ka hor yimid kooxda weerarka soo qaadey.

Maleeshiyaad Alshabaab ah ayaa marar badan dagaalo wuxuu ku dhex marey Gobolada ay kaga suganyihiin dalka, waxaana ay isku geystaan khasaare kala duwan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE