Xildhibaan C.xakiin Jaamac Cilmi Tima-faras oo maanta lagu Aasey Magaalada Kismaayo (Sawiro)

Xildhibaan Cabdixakiim Jamac Cilmi (Tima-Faras) oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa maanta lagu aasey qabuuraha fiibarako ee magaalada Kismaayo.

Marxuumka oo kooxo hubeysan ay ku toogteen xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ayaa aaskiisa waxa kasoo qeyb galay Madxaweyne ku xigeenka labaad ee jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Sidoo kale aaska marxuumka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaano jubbaland ka tirsan iyo ehelada marxuumka, ayaa halkaas waxa hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo marxuumka Alla uga baryey in janada uu ka waraabiyo.

Xildhibaanada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku nuux nuuxsadey in wax dib u dhac aanu keeni karin howlahooda dilka Xildhibaan Tima-faras.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE