21-kii October 1969-kii Curashadii Kacaanka Iyo 21-ka October 2017-ka Maxaa Laga Filan Karaa Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo (Warbixin)

Maalinta berri ah oo taariikhdu ay ku beegantahay 21-ka October waxa lagu wadaa in kulan deg deg ah ay isugu yimaadaan Labada aqal ee baarlamaanka fedaraalka.

Kulanka maalinta berito ah waxa si deg deg ah ku dalbadey madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo warqado codsi ah u direy labada gudoon ee baarlamaanka.

Dad badan ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo maalinta berri ah uu ku dhawaaqi doono xaalad deg deg ah oo lagu soo rogayo guud ahaan wadanka Soomaaliya.

Xukunka deg deg ah ayaa ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay lagu sheegay dagaal ka dhan  ah kooxda Shabaab oo baneysatey dhiigga shacabka iyo hantida umadda Soomalaiyeed.

Madaxweynaha ayaa talis iyo madaxtooyo ka dhigan doono xarun lagu diyaariyey degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose, waxaana halkaas uu ka maamuli doonaa dagaalka Shabaab oo xoogiisa lagu qaado Shabeelada hoose oo laf dhabar u ah awooda al Shabaab.

Inkastoo dhaliilo kala duwan laga qabo Ciidamada qaadaya dagaalkaas, iyadoo la ogyahay in aanay jirin ciidan diyaarsan oo qaadi kara howlgal ayaa hadana dhanka kale waxa heegan la geliyey Ciidamada u diiwaan gashan wasaaradda gaashaan dhigga.

Howlgalkan ayaa waxa looga jawaabayaa weerarkii bahalnimada ahaa ee 14-kii bishan  lagu qaadey isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho oo lagu laayey in ka badan 300 oo qof oo shacab ah.

Hadii uu ka dhabeeyo Madaxweyne Farmaajo go’aanka la dagaalanka Kooxda Shabaab ayaa waxa si buuxda u garab istaagaya Shacabka Soomaaliyeed oo aad uga xun qaraxii Zoobe oo dad badan ay ku waayeen eheladooda.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa usoo joogey habacsanaanta Ciidamada xoogga oo inta ay qabtaan deegaan ama ay ka saaraan Shabaab, hadana dib uga soo baxa, deeganadaasna waxa dib ula wareegaan Alshabaab oo cadawtooyo u qaada dadka la shaqeeya Ciidamada Milateriga.

Go’aanka uu berri qaadan doono Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya 48 sano ka dib markii dalka uu galay isbedelkii Kacaanka oo uu hor kacaayey Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare sanadii 21-kii October1969-kii.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE