Akhriso Madaxaweynaha Soomaaliya Oo Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeerey Labada Aqal Ee Baarlamaanka Si Xaalad Deg Deg Ah Loo Geliyo Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqado u diray Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo uu kaga codsanayo qabashada kulan deg deg ah oo wadajir la isugu yeero Xildhibaanada Labada Aqal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Guddoonka labada Aqal in maalinta Sabtida oo ku beegan 21 bisha October la isugu yeero xubnaha labada Aqal, si uu khudbad ku aadan xaalada dalka ugu jeediyo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada dalka, isagoo ku iclaamin doono xaalad dagaal oo looga saarayo Al-Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE