Ciidamado Horudhac Ah Oo La Geeyey Degmada Afgooyey Iyo Taliska Madaxweynaha Uu Degi Doono La Diraariyey

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in maalmaha soo aadan Madaxtooyo ay u noqon doonto Madaxweynaha Jamhuuyiyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ciidamao horudhac ah oo ka tirsanaa kuwa Imaaraadka Muqdisho ku tababareen ayaa la geeyey Beer ku taalla Afgooye, si ay u sugaan amaanka Madaxweynaha oo dagaal ka dhan ah Alshabaab ka hogaamin doona halkaasi.

Khaska iyo qalalaasha amni ka jira magaalada Muqdisho ayaa intiisa badan laga abaaulaa Gobolka Shabeelada hoose oo xarumo ay ku leeyihiin Maleeshiyaadka kooxda Shabaab iyo Mooryaan dhul boob u jooga oo ka mideysan dhibaateynta Shacabka.

Hadii uu dhab noqdo go’aanka Madaxweynaha ee lagu doonayo in duulaan lagu qaado Alshabaab oo xoog ku jooga dhul badan oo Shabeelada hoose ayaa waxa laga yaabaa in wax xogaa uu is bedelo amaanka Magaalooyin badan oo ka tirsan dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE