Dawlada Soomaaliya Waa Inay Ogaataa In Lagu Gaari Karo Dawlad Shaqaysa Oo Dalka Hanata Nafta Oo La Huraa (Warbixin)

Madaxda soomaaliya waa in ay ogaadaan in dalka uu jiro cadaw gudaha ah oo dilaya iyaga iyo shacabkaba.Kuwaas oo ah DAWLADIID aan marnaba rabin in soomaaliya ay hesho dawladnimo iyo xasilooni.dawladu maha say u  dhaqmayso si nabad lagu gaari karayo oo ah jileec aan loo baahnayn maxaa yeelay arinku waa dagaal iyo qori caaradii maha nabad.madaxdu hayska daayaan naf jeclaysiga waa in la dagaalamaa oo dhiig badini u daataa in la helo dawlad shaqaysa oo aan cidina ka hor iman dawladan.Cid kasta oo ka hortimaada oo hor istaagta dawladan soomaaliyeed ee shacabku jecel yahay dal iyo dibadba waa in cagta la mariyaa.

Dawladani waa dawlad dagaal waa in sidaa loo ogaadaa.ciidamada dalka maha in tuute layska xirto! waa in dawlad diidka gurigiisa lagala baxaa maha in dad dawlada diidan ay inagu dhex jiraan si ahaanba.soomaaliya malaha amaan iyo kala danbayn iyo dawlad shaqaysa sida caalamka kale sidaa daraadeed cidna ma noqon karto mucaarad maadaama aysan jirin dawlad shaqaysa oo hanatay dalka oo dhan.waa maxay waxa la mucaaradayo? macnaha sow ma aha yaysan soomaaliya helin dawlad shaqaysa? mu caarad waxa uu banaan yahay oo kaliya markaan noqono dawlad gacanta ku haysa oo hanatay amaanka dalka soomaaliya oo dhan cir,bad iyo bariba oo sugtay amaanka iyo xasiloonida dalka.Markaa siyaasada waa lagu tartami karaa oo lays mu caaradi karaa taasoo ku dhisan toosin.

Soomaaliya rag baa qori u haysta oo dilaya una diidan dowladnimda markaa maxaa la sugayaa?  mise waxaynu ahaanaa qaabkii tuugaysiga ahaa ee xasan sheikh dalka ku kharibay ee beeso uruursinimo iyo khaainu wadan.madoonayno waxaa xilka leh oo kale in aan ahaano oo dib u dhacno.waxaan rabnaa dagaal aan loo kala harin.Taliya yaasha ciidamada waa in loo dhiibaa rag geesiyaal ah oo ku fiican dagaalka xaaladuna waa isa sifayn joogta ah.qabiil xasan sheekh tuute u galiyay maha FARMAAJOOW inaad nooga dhigto ciidan! kuwani waa mooryaan dawlad diid ah loomana baahna mana ahaan karaan ciidan waayo nin baabuur miinaysan hooyadii ku soo daayay oo qaatay shilimaan maha ciidan qaran.ciidamada waa in lakala hufaa maha baryo tani waa waajib nin loo aaba yeelayaaana ma jiro dawladuna qabiil uma aha magan waa ka wayntahay.

Dawladu waxay u xiri wayday badha saabyadan ku shiray kismaanyo ee khayaamaya dalkooda ee sharcigii iyo dastuurkii dalkaba jabiyay wali ba kusii indha cad in ay shisheeye uga sir waramaan siyaasada dawladeena iyo go aamadeeda waa nasiib daro in max kamad la keeni waayo oo sharciga la marin waayo.mise dawladu isuma aragto dawlad dalkoo dhan masuulka ah oo leh awood buuxda? soomaalidu ninkii dila oo gacan bir ah leh unbay rabaan ee marabaan walaaloow nabad nabad nabad sida dunida adan keeda.

Dawladu maanta dalkeena iyadaa uugu ciidan badan,uugu shacbiyad badan oo dadkoo dhami iyaduu raacsan yahay,uugu dhaqaalo badan,uugu hub badan uugu ciidan fiican markaa arinku waa dagaal xalkuna waa dagaal lala galayo soomaalida cadawga ah ee inoo diidan dawlad nimadeena ee shisheeye inagu soo hogaaminaysa. Madaxwayne farmaajo waa ogahay waa geesi waana wadani dalka oo dhana wuu qabanayaa tan waa ogahay in uu ciidan xoog ah haystana waa ogahay laakiin maha in uu intaan kabadan ka war wareego dagaalka.

Dawlada soomaaliyeed kuma imanayso miis iyo wada hadal mana loo baahna xaaladan waxaa loo baahan yahay oo dawladan looga fadhiyaa oo shacabku ka sugayaa waa dagaal u dhaxeeya DAWLAD DOON IYO DAWLAD DIID. suuro galmaha in labadan dalka ay wada joogaan oo sidaa 27 sanood isu hor fadhiyaan ee waa in lagu kala baxaa.maha shacabka masaakiinta ah ee soomaaliyeed in lagu maado oo la xasuuqo taasoo ay uugu wacan tahay dawlad la aantu.shacabku waxay diyaar u yihiin in ay dawladooda taageeraan hiil iyo hooba.ciidamada waa in loo dhiibaa raga dagaalka sida sheikh raxan wayn oo dhiigiisa u shubaya dadkiisa soomaaliyeed kana toobadkeenay wixii danbi u horeeyay lana cafiyay kana soo hor jeeda kuwa nabada diidan.maadaama sheikh shariif oo ay wada ahaayeen xiligaa maxaa kiim isku meel kawda dagaalama laga dhigay madaxwayne wax kale iska daayoo markaa wax diidaya  majiro cidkasta oo toobad keenta.sharciga dalkaana sidan qaba iyo diinteena islaamkaba.

Ninkastoo dagaal yahan ah waa loo baahan yahay oo difaacaya diinta dadka iyo dalka soomaaliyeed ahna wadani. qorshaha caasimada lagu rarayo waa soo dhawaynaynaa waana xal soomaaliyeed oo dhamaystiran.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE