Dhageyso Axmed Ducaale Geelle Xaaf Oo Ay Qabsatey Laba Daran Mid Dooro, Sheegeynta Inuu Diyaar U Yahay Wada Hadal

Madaxweynihii xilka ay ka tuureen baarlamaanka Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhexda ugu jira siyaasad kala guur ah oo ay sabab u tahay sal fudeydkiisa ayaa waxa soo wajahdey xaalad adag oo ay qasab tahay in uu maareen u helo.

Xaaf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markaan uu diyaar u yahay wada hadal uu la galo dowladda Soomaaliya, waxaana mar marsiiyo uu ka dhigtey khudbad Madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeediyey dibad baxii maalmo ka hor ka dhacey magaalada Muqdish.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE