Dowladda Soomaaliya Oo Caawa Shaacisey Khasaaraha Ka Dhashey Qaraxii Isgoyska Zoobe Ee 14-kii Bishan

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo caawa shir jaraa’id ku qabtey halka uu ka dhacey qaraxa ee isgoyska loogu magaca drey 14-ka October ee magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey khasaaraha shacab ee ka dhashey goobtaas.

Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in halkaas ay wax ku noqdeen dad gaaraya 642 qof guud ahaan tirada.

Tirada dhimashada ee laga diiwaan geliyey qaraxa ayaa waxa lasoo bandhigey in ay gaareyso 358 qof, halka dhaawacu gaaraayo 228, waxaana tirada lagu soo darey dad ilaa hadda lagu la’yahay weerarka oo gaaraya 56-qof oo weli eheladooda ay baadi goob ugu jiraan geeri iyo nolol.

Dadka dhaawaca ayaa 122 ka mid ah waxa loo qaadey dalka dibadiisa si gargaar Caafimaad loogu fidiyo, iyadoo isbitaalada Muqdisho ay ku hareen 106, qof oo 99 ka mid ah ay dib ugu laabteen guryahooda, waxa hada isbitaalada ku jira 7 ruux sida ay soo bandhigeen wasiirka amniga iyo wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE