Qarax Baabuur Oo Ka Dhacey Inta U Dhaxeysa Isgoyska Banaadir Iyo Isbitaalka Digfeer Ee Magaalada Muqdisho

Wararka aan ka heleyno isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay qarax lagu soo gaari nooca raaxada ah oo lasoo dhigey inta u dhaxeysa Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer.

Gaariga ayaa lagu soo waramayaa in halkaas uu soo dhigtey shakhsi aan weli la aqoonsan, oo gaarigiisa loogu soo xirey qarax isaga la doonayey lagu qaarijiyo, hase ahaatee aanu isaga waxba ka noqon.

Ilaa laba qof oo wadada maraayey ayaa ku dhaawacantey gaariga qarxey, halka la sheegay in uu jiro burbur kooban oo soo gaarey dhismayaal gacansi oo ku yiilay halka gaariga lagu qarxiyey.

Dadka dhaawcmey ayaa waxaa la gheeyey isbitaalka Kalkaal oo aan ka forey halka qarax uu ka dhacey, waxaana qaraxan uu imaanayaa iyadoo weli shacabka dhegahooda uu ka guuxayo gaarigii weynaa ee ku qarxey isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisdho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE