Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Xoogga Oo Kulan La Qaatey Taliyaha Ciidamada AMISOM (Sawiro)

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen.Cabdiweli Jaamac Gorod oo aan weli la wareegin xilka taliyaha ayaa kulamo la qaatey saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga afrika ee AMIOSM.

Genaraal Gorod ayaa Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan taliyaha ugu sareeya Taliska Midowga Afrika Genaraal Cusmaan Nuur Subagle ayaa wuxuu kala hadlay xoojinta la dagaalanka Alshabaab iyo soo celinta deegaanada haraadiga ay ku yihiin maleeshiyada Alshabaab.

Taliyaha xoogga ayaa dhinaca kale tilmaamay in la doonayo in sanadkan uu noqdo sanadkii lagu xoreyn lahaa deegaano badan oo ay maamulaan Alshabaab, leysgana kaashan lahaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa deegaanadaaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE