Guux Xoog Leh Oo Ka Socda Magaalada Baydhabo Iyo Mooshinka Shariif Xasan Oo Meel Xasaasi Ah Maraaya (Warbixin)

Magaalada Baydhabo o oxarun ku meel gaar u ah maamul Goboleedka Koonfur galbeed ayaa waxa ka socda kulamo iyo shirar ay leeyihiin Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur galbeed.

Xildhibaanada ayaa ka shiraya sida ay xilka uga tuuri lahaayeen Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddo seddax sano ah hogaamiye ka h Koonfur galbeed, waxaan lagu eedeeyey maamul xumo iyo tagri fal awoode, iysagoo la sheegay in uu baal marey ku dhaqanka dastuurka Maamulka u degasan.

Sida warbixino hoose lagu helay xildhibaanada Koonfur galbeed ayaa waxa loo balan qaadey in la siin doono dhaqaale badan hadii ay ku guuleystaan inay xilka ka tuuraan Shariif Xasan oo loo arko shakhsi caqabad ku ah horumarka deegaanada Koonfur galbeed.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Seddax Gobolka ee Koonfur galbeed ka tirsan dowladda dhexe ayaa la sheegay in gadaal ay ka joogaan xildhibaanada doonaya inay xil ka qaadista sameeyaan.

Kulanka baarlamaanka oo lagu wadey in uu furmo 16-kii bishan oo todobaadkii hore ku beegnaa ayaa dib loo dheigay waxaana lagu wadaa in seddaxda maalmood ee soo aadan uu ka furmo kal fadhiga baarlamaanka magaalada Baydhabo.

Xildhibaano si hoose ula hadlay Markacdey.com ayaa sheegay in Shariif Xasan uu ku guul dareystey in uu kala fur furo xildhibaanada si uu isaga yareeyo culeyska siyaasadeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE