Isu Socodka Dadka Iyo Gaadiid Ee Isgoyska Zoobe Oo Dib U Furmay (Sawiro)

Isgoyka 14-ka October ee magaalada Muqdisho ayaa dib u howl bilaabay ka dib qaraxii musiibada ahaa dhawaan dadka badan laayey.

Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya oo xalay shir jaraa’id ku qabtey halka qaraxa uu ka dhacey ayaa amrey in la furo wadada si ay u isticmaalaan dad weynaha iyo gaadiidka kala duwan.

Dad weyne boqolaal gaaraya ayaa booqdey goobaha uu qaraxa saameeyey, ka dib markii ay heli waayeen fursad ay ku arkaan, maadaama Ciidamada amaanka ay xireen dhamaan wadooyinka.

Gaadiidka dadweynaha, Mootooyinka Bajaajta iyo Gaadiidka dowladda ayaa si caadi ah u isticmaalaya wadada oo maanta dib loo howgliyey, waxaana maalintii khamiista dayactir lagu sameeyey laamiga oo bur bur uu u geystey gaariga qarxey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE