Madaxweynaha Soomaaliya Oo Baajiyey Khudabaddii Uu Ka Horjeedin Lahaa Kulanka Labada Gole Ee Baarlamaanka Fedaraalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadey in maanta uu hor tago labada gole ee baarlamaanka si uu khudbad ugu jeediyo, taas oo uu kaga hadli lahaa xaaladaha guud ee wadanka ee uu ku suganyahay.

Kulanka baarlamaanka oo uu maanta dalabadey Madaxweyne Farmaajo ayaa dib loo dhigey , mana la sheegin xilliga uu kulanka qabsoomi doono, waxaana xillidhibaanada lagu wargeliyey in baaqashada fadhiga aan caadiga ahyen.

Maanta  oo taariikhda ay ku beegantahay 21-October oo si ku tala gal aheyn ugu soo beegantahay  go’aanka madaxweynaha ayaa siyaabooyin kala duwan loo fasirtey, waxaana ugu weynaa in madaxweynaha uu inqilaabi rabo talada dalka.

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Khayre Kheyre ayaa khamiistii la soo dhaafay sheegay in wixii ka dambeeya maalinta sabtida uu dalka galayo xaalad dagaal.

Madaxweynaha ayaa la tashiyo uu sameeyey ka dib go’aansadey in ka baaqsado kulanka labada gole ee baarlamaanka khudbaddii uu kaga jeedin lahaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE