Madxaweynaha Maamulka Puntland Oo Weerar Ba’an Ku Qaadey Dowladda Dhexe Ee Soomaaliya, Banaankana Keenay Khilaafka Maamulada Iyo Dowladda (Video)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Calo Gaas oo maanta gaaray magaalada garoowe ayaa ka hadlay War-saxaafadeed kasoo baxay madaxda maamullada iyo madasha uu Guddoomiyaha ka yahay, kuwaas oo dowladda usoo jeediyey eedeemo aad u waaweyn.

Gaas oo wax laga weydiiyay in Madashan la mid tahay qab-qablayaashii dalka soo maray islamarkaana carqalad ku yihiin dowladda ayaa wuxuu yirii: “Adeer hadalkaas waa hadal meel waayay, Madasha Dastuurka ayay ku qorantahay, Dastuurka maadan akhrin miyaa, Dastuurka ayay ku qorantahay in maamul goboleedyadu samaysan karaan madal ay heshiis ku yihiin”.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda dhexe ay maamusho oo kaliya magaalada Muqdisho, balse dalka intiisa kale ay maamulaan maamul goboleedyadu.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE