Olahala Doorashada Somaliland Oo Maanta Ka Bilaabanaya Deegaanada Somaliland

Waxaa  gudaha magaalada Hargeysa si rasmi ah  ugu balaabanaya olalaha doorashada madaxtooyada Somaliland , kaas oo magaalada lala dhex wareegaayo baabuur ay saaran yahiin cod baahiyayaal

 Olalahan maanta Bilowdey ayaa waxaa bilaabey xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo isagu ah xisbiga ugu horeeya Olalaha doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Xisbiga UCID wakhtigiisa olalaha ee maanta bilowdey waxaa uu si rasmi ah uga xirmi doona 6 habeenimo oo habeen danbe

 Guddiga komishanka Qaranka Somaliland ayaa kulan xafiiskooda ay kula qaateen masuuliyiinta xisbiyada Qaranka ee WADDANI,UCID iyo KUlMIYE waxay ku shaaciyeen habka ay u kala horeynayaan saddexda xisbi qaran wakhtiga Ololaha doorashada.

Dhawaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo deegaanada Somaliland,iyadoona diyaar garowga laga dareemayo deegaanada Somaliland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE