Yaa Loo Qabtey Qaraxii Zoobe Ee Lagu Gumaadey Shacabka Soomalaityeed (Xog)

Bishan 14-keedii todobaad ka hor magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Zooebe waxa lagu weerarey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo uu wadey ruux naftii halige ah.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaan deg deg ah oo ay ku sameenayaan cidda ku shaqada laheyd weerarka, iyadoo la raacayo raad ay heleen hey’adaha amaanka.

Saacado ka dib markii uu qaraxa dhacey waxa laga war helay in la xirey Nin u shaqeeya Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo raadka uu soo galay, waxaana ka dib soo baxay warar kala duwan oo sheegaya in rag hor leh qaraxa loo xirey.

Illo sirdoon oo ay la xiriirtey Markacdey.com ayaa sheegaysa in la qabtey ganacsato can ah oo la tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen qaraxii khasaaraha badan dhaliyey ee muqdisho ka dhacey.

Xogta aan helnay ayaa ka gaabsatey in lasoo bandhigo ganacsatada la qabtey magacyadooda, maadaama weli uu baaritaanka socdo, lana aaminsanyahay in rag hor leh xabsiga la dhigi doono.

Maleeshiyada Shabaab oo can ku ah weerarada argagaxisada ah ayaa ka aamusatey weerarkii Zoobe, waxaana la sheegey aamusnaanta shabaab ay micno badan u laheyn, maadaama xogaha la haayo ay tilmaamayaan in Shabaabku qaraxan soo abaabuleen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in maalmaha soo aadan soo bandhigi doonto baaritaanka socda iyo macluumaadka la xiriira qaraxa dadka badan gumaadey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE