Akhri Wasiirka Warfaafinta Iyo Tiknoolajiyada Maamul Goboleedka Jubbaland Oo Iscasilay

Wasiirka Warfaafinta iyo Tiknoolajiyada ee Maamul Goboleedka Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa warqad uu soo saarey ku sheegey in uu iska casilay xilkii uu haayey.

Xilkan oo uu haayey muddo afar sano ah ayaa warqadda istiqaalada wuxuu u gudbiyey Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wasiirkia ayaa sheegey sababta ka dambeysa ee uu xilka isaga casilay in ay tahay fara gelin uu ku eedeeyey in ay ku heyso Wasaaradda Madaxtooyada Jubbaland, oo kala qoqob ku haaysa Shaqaalaha wasaaradda ka shaqeeya.

Waxa lagu eedeeyey Jubbaland in deegaanada ay ka taliyaan aanu ka jirin wax horumar warbaahineed, taasna ay sabab u tahay Wasiirka oo ku andacoodey in aanay madax banaaneyn Wasiirada ay hoos tagi laheyd Warbaahinta.

Hoos Ka Aqriso Warqadda Uu Soo Saarey Wasiirka Iscasilay

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE