Akhriso Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Deg Deg Isugu Yeerey Madaxda Maamul Goboleeyada 28-ka Bishan Lagu Guda Jiro

Madxaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saarey ku baaqey shir deg deg ah oo u qabsoomi doona Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Fedaraalka.

Shirka oo sida ku cad wareegtada la qaban doono 28-ka bishan aynu ku guda jirno ee October ayaa waxa looga hadli doonaa arimo ay ka mid yihiin Qaraxii Zoobe, xaaladaha amniga, sida laga yeelayo dagaalka Shabaab iyo arimo oo xasaasi ah.

Lama oga sida ay ka yeeli doonaan maamulada ka jira dalka oo Madal ay ku mideysanyihiin ku sameystey magaalada Ksimaayo oo shir ay ku wada yeesheen.

Hoos Ka Akhriso Warqadda Uu Soo Saarey Madaxweynaha

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE