Ciidamadii Ugu Badnaa Oo Ka Baxey Muqdisho, Xilli Dhaqdhaqaaq Ciidan Ay Ka Bilaabeen Xerooyin Ciidan Oo Ku Yaalla Gobolka Shabeelada Hoose

Shalay gelinkii dambe ayaa xerada tawabarka Ciidamada ee Jasiira waxa gaarey madaxweynaha dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Faraamjo si dhiira gelin uu ugu sameeyo Ciidamo loo diyaariyey inay qabtaan dhulka ay maamulaan Alshabaab.

Wararka saake nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda xalay ay soo gaareen Xereda Laanta buuro ee Gobolka Shabeelada hoose halkaas oo durbaba aya ka bilaabeen dhaqdhaqaaq Ciidan.

Warar hoose hoose oo laga helay saraakiisha Ciidamadan ayaa sheegaya in laga yaabo in ay dhaqaaqaan Ciidamadan saacadaha soo aadan, ayna qabtaan degmooyin ay xoog ku maamulaan maleeshiyada Alshabaab.

Deegaanada la tuhunsanyahay ee Ciidamadan gaari doonaan ayaa kala ah Awdheegle, Tooratootow, iyo duleedka Wanlaweyn oo dhamaantood ku yaalla Gobolka Shabeelada hoose.

Duulaanka Shabaab ee uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya ayaa intiisa badan badan ka dhici doona Gobolka Shabeelada hoose oo saldhigyo ay ku leeyihiin maleeshiyada Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE