Dhageyso Faafaahinno Dheeraad Ah Oo Laga Helaayo Qarax Haleelay Gaari Ay Saarnaayeen Dad Shacab Ah

Waxaa faah faahino dheerad ah laga helayaa Gaari homey ah oo ay saarnaayeen Dad Shacab ah kaa soo Maanta Miino kula qaraxday duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaarigaan ayaa xili uu marayay deegaanka Daniga Baaloow ay miinada la kacday,waxana la sheegay in uu ka yimid Tuulo lagu Magacaabo walamooy isla markaana ay saaranayen dad haween u badan oo ka ganacsada Cowska xoolaha ay cunaan.

Wariyaal ku sugan degmada Balcad ayaa waxa ay soo sheegayaan Gaarigaan uu ku soo jeeday degmada Balcad dhamaana dadkii saarnaa ay geeriyoodeen, oo uu jirkooda Go’go’ay marka laga reebo dhor qof oo Meydkooda la arkay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE