Dhageyso Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Oo Bogaadiyey Wax Soo Saarka Dalka, Kuna Baaqey In Laga Shaqeeyo Isku Filnaasho

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegey in dunida hurumartey ay ka fakaraan wax soo saarka gudaha ee si ay uga maarmaan waxyaalaha kale ee loosoo dhoofiyo.

Waxa uu tilmaamay in muhiimad weyn bulshada ay u leedahay in la yeesho keyd cunto oo laga sii shaqeeyo hodantinimada dalka, oo aan loo baahan in wax laga sugo wadamo shisheeye oo ku howlan sidii iyaga isku filnaasho u heli lahaayeen.

“Runtii hadii ad noqoto qof wax soo saaran waaya ee dad uun wax ka suga waxaad ku xisaabtantaa in dunida kale ee wax soo saara ay wax ku siin doonaan kadibna amarkooda oo kaliya aad ku Shaqeyn doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE