Faafaahinno Kasoo Baxaya Shir Uu Ku Dhaawacmay Taliye Ku Xigeenka Boliiska Puntland Oo Ka Dhacey Magaalada Garowe

Shir looga hadlayay amniga caasimadda Garoowe oo ay ka qaybgaleen Wasiirka amniga Puntland, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha booliiska Puntland iyo ku-xigeenkiisa iyo taliyaha la dagaalanka Argagixisada, ayaa la soo sheegayaa inay ka dhacday rasaas, waxaana dhaawac ka soo gaaray taliye K/xigeenka booliiska Puntland Bile Faarax Cali.

Shirkan oo ka dhacay Hotel Jubba ayaa ujeedadiisa lagu sheegay in la xiriirtay diyaarinta qorshaha amniga caasimadda oo ku talagalku ahaa in la hordhigo madaxweynaha Puntland maalinta beri. Balse gabagabadii shirka ayaa ismaandhaaf iyo gacan-ka-hadal uu dhexmaray Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne iyo taliyaha Booliiska Puntland Gen Ereg, wararku waxay intaas ku darayaan in rasaasta uu uu ku dhaawacmay taliye ku-xigeenku uu riday taliyaha booliisku.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee dhalisay, muranka iyo ismaandhaafka dhexmaray guddoomiyaha iyo taliyaha, waxaa kaloo la cadayn karin in ay ku talagal ahayd iyo in kale rasaasta uu taliyuhu ridey.

Rasaasta ayaa ka haleeshay taliye Ku-xigeenka lugta, waxaana haatan lagu dabiibayaa mid ka mid cusbitaaladda Caasimadda Garoowe.Weli laamaha amniga dowladda Puntland kama hadlin dhacdan… mana jirto faahfaahin dheeraad oo la xiriira dhacdadan.

Taliyaha Booliiska Puntland Gen Ereg ayaa madaxweynaha dowladda Puntland uu dhawaan u fasaxay in uu dib u bilaabo shaqadiisa ka dib markii uu shaqada ka fariisiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE