Kala Wadanisan Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Iyo Aabihii Madaxweyne Sharmaarke W/Q Cabdulaahi Nuur Colombo

Taariikhdu been ma sheegto, lagamana been sheego. Taariikhdu waa mid dhigan,dhambaaley uruurisaa dhacdiyo mid la dhowryaba. Ninkii timir abuura iyo ninkii tiin tallaalaba taariikhda ayaa werin!

Oraahdaas qiimaha badan ee hoga tusaaleynta ah ee tilmaamaysa qof kasta waxii wanaag ama hagar daamo uu u gaystay dalkiisa hooyo in ay taariikhda werinayso waxaa ummaddiisa Soomaaliyeed uga tagay Allaha u naxariistee Abwaankii Cabduqadir xirsi Yam Yam.

Hadaba hadii aan usoo dhaadhaco dulucda waxa aan jeclahay bal inaan is bar bardhig ku sameeyo sida ay u kala duwan yahiin marka wadaniyad iyo dal jaceyl ay timaado Allaha u naxariistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dalka soomaaliya kasoo noqdey Ra’iisal wasaare iyo Madaxweyne Sannadihi 60-meyadii iyo wiilkiisa Cumar Cabdirashiid oo isaguna Soomaaliya laba jeer kasoo noqday Ra’iisal wasaare.

Hadii aan ku horeeyo Allaha u naxariistee Madaxweyne Sharmaarke intii uu siyaasada ku jiray waxaa laga guntay oo laga hayaa oraahyo aad u qiimo badan oo tilmaamaya heerka wadaniyadiisa ay taagnayd waxaana hadii aan xuso oraahyadaas ka mid ahaa mar uu ka hadlayey wadamada deriska la ah Soomaaliya ee kenya iyo Itoobiya iyo cadaawada ay u qabaan dalkeena ayaa waxaa uu yiri sidan:

“Soomaalidu dhulkooda waxaa xoog ku haysta dalalka Kenya iyo Itoobiya marka hub inaan ka helno Dalka Ruushka waa ku khasbanahay si ay Soomaaliya iskaga daafacdo dalalkaas gaar ahaan Itoobiya oo iyadu wada xatooyo dal ku dhisan, dhaca iyo kufsigana ku haya dalkeena Hooyo”.

Mudane Cabdirashiid Cali Sharmarke waxaa kaloo laga hayaa isagoo Ra’iisal wasaare ah Sannadkii 1964-kii mar uu ka hadlayey dagaalo dhex marey Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa jirtay in dhinaca kalena Soomaaliya ay ka dhacayeen doorashooyin Baarlamaan waxaana mar uu saxaafada la hadlayey uu yiri hadal ay si weyn ugu diirsadeen shacbiga soomaaliyeed kaasoo ahaa “Gacanna xabadda ayaan ku ridaynaa oo kula dagaalamaynaa cadawga Itoobiya Gacana doorashada ayaan ku qabaneynaa.”

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid hadii aabahii sidaas uu wadaniyad ugu sifoobay ayaa isagu marka la eego sida laga dheehan karo sooyaalkiisa siyaasadeed waxaa hareeyay magac xumo iyo wadaniyad la’aan waxaana tan iyo sannadkii 2009 ilaa haatan daba taagan eedo la xiriira inuu dalka Kenya ka iibsaday Badda Soomaaliya.

Waxaa kaloo jira in sannadihii la soo dhaafay Cumar Cabdirashiid ay dadka soomaalida ku tuhmayeen inuu dilaal dalkiisa lagu bur burinayo uu u yahay dalka Imaaraadka Carabta oo waayahan usoo tafa xaydatay in ay soomaaliya kala dagaalanto wax kasta oo ay ku horumari karto iyadoo ka maseyrsan kaalinta dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

Ugu dambayntii Indheer garadka soomaaliyeed waxa ay qabaan in Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid weli uu fursad haysto uu isaga mayri karo sumcad xumada siyaasadeed ee haysata kuna noqon kara nin sumcad wanaagsan sida aabahihii waxaana looga baahan yahay inuu gebi ahaan ka baxo wax kasta oo lagu hagar daameynayo dalkiisa hooyo shacbiga soomaaliyeedna uu arintaas u cadeeyo kana bixiyo tuhunka ay qabaan.

W/Q Cabdulaahi Nuur Colombo

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE