Kulanka Baarlamaanka Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Oo Goordhow Furmaya Iyo Madaxweyne Shariif Xasan Oo Wadnaha Farta Ku Haaya

Hoolka Shirarka ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo waxa hada ku sugan Xildhibaanada Maamulka oo kasoo laabtey fasax in mudda ah ay ku maqnaayeen.

Fadhiga Baarlamaanka oo lagu wadey in uu furmo 16-kii bishan, iyadoo maalmo dib loo dhigey, waxaana saacadaha soo aadan la rajeenayaa in si rasmi ah uu u furmo fadhiga oo ay hor yaallaan ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo goor dhow aan la hadlay ayaa ii sheegay in inta badan xildhibaanada ay xaadir ku yihiin hoolka, mana la oga in shirka uu furi doono Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan iyo inuu furi doono Gudoomiyaha Baarlamaanka C.qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa diyaariyey Mooshin xil ka qaadis ah oo laga wado Madaxweynaha Koonfur galbeed, waxaana la sheegayaa in xaalada Qatar ah uu ku suganyahay Shariif oo waqtiyo badan ka badbaadey Mooshinno laga keeney.

Wixii warar ah ee kusoo kordha shirka maanta furmaya halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE