Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Kambaala Ee Dalka Uganda (Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kambaala ee dalka Uganda, iyadoo garoonka diyaaradaha Entebbe ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga, Guddoomiyaha Guddiga difaaca Baarlamaanka iyo saraakiil kale.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Uganda ayaa la xiriira sidii dalalka gobolka uu taageero milateri uga heli lahaa, sidii guluf dagaal loogu qaadi lahaa Al-Shabaab oo maamusha qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE