Madaxweynaha Soomalaaliya Oo Maanta Aadaya Magaalada Kambaala Ee Caasimadda Dalka Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxi doona magaalada Caasimadda ah ee Kambaala, si halkaas uu ula soo kulmo madaxweynaha Uganda Musaveni.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu la  xiriiro sidii madaxda dalkaasi uu ugala soo hadli lahaa dagaalka la qorsheeyey in lagu qaado deegaanada ay maamulaan Maleeshiyada Alshabaab.

Dhinaca kale marka uu soo dhamaato safarka dalka Uganda madaxweyne Farmaajo ayaa booqan doona dalalka deriska sida Itooboiya iyo Jabuuti oo qeyb ka ah dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta k ah Howlgalka Midowga Afrika.

Warbixin la helaayo ayaa sheegeysa in dhamaan madaxdan uu kasoo dhaadhicin doono qorshe dagaalka oo lagu hujuumo Alshabaab oo dhibaato badan ku haaysa Shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii uu uga jawaabi lahaa qaraxii 14-kii bishan ka dhacey isgoyska Zoobe oo lagu waxyeeleeyey dad ka badan lex boqol oo qof.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE