Qarax Miino Oo Haleeley Gaari Caasi Ah Oo Galaaftey Nolosha Dadka Ugu Badan Ee Gaariga Saarnaa

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa ku waramaya in gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah Miino ay la kacdey.

Gaariga Caasiga ah oo maraayey deegaan lagu magacaabo Daniga ayaa la sheegayaa in ay la kacdey Miino wadada dhinaceeda lagu aasey, waxaana inta badan geeriyoodey dadkii gaariga saarnaa oo u badan haween.

Dadka Gaariga saarnaa ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana la leeyahay in ay ahaayeen haweenka Cowska ka ganacsada oo ka amba baxey degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose.

Deegaanka uu ku qarxey Caasiga ayaa u dheexya Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan labada Gobol ee Shabeelooyinka ayaa waxa dadka usoo gurmadey Maamulka Degmada Balcad iyo dad kale oo goobta ag dhawaa.

Wixii warar ah ee kusoo kordhan halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE