Shariif Xasan Oo Maanta Furey Kal-fadhigii Afaraad Ee Baarlamaanka Koonfur galbeed (Sawiro)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka furey kal fadhigii afaraad ee Baarlamaanka maamulka oo fasax kasoo noqdey.

Kulanka ayaa maanta ayaa waxa marka hore hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka C.qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, waxaana uu sheegey in baarlamaanka ay hor yaallaan howlo badan oo u baahan in wax laga qabto.

Shariif Xasan ayaa madasha ka sheegey in intii fasaxa lagu maqnaa Wasiirada Koonfur galbeed, ay shaqooyin badan qabteen, mana sheegin waxyaalaha ka midka ah howlahaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur galbeed oo wadey dadaal ku aadan sidii ay u keeni lahaayeen Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan ayaan la ogeyn inay sii wadi doonaan Mooshinkooda iyo in kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE