Xog Axmed Madoobe Oo Gaarey Isu tagga Imaaraadka, Iyo Qorshihiisa Oo Laga War Helay (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa gaarey magaalada Dubai ee caasimadda Isu tagga imaaradka Carabta, halkaas oo uu kaga mid noqdey hogaamiyeyaasha xulafada la ah Sacuudiga.

Axmed Madoobe oo dhawaan gaarey dalka Imaaraadka ayaa la sheegey in safarkiis uu qeyb ka yahay dhameystirka wada hadal u dhaxeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Imaaraadka, kaas oo lagu go’doominaayo dowladda dhexe ee Soomalaiya.

Waxa lasoo wariyey in uu degyahay Hotel lagu magacaabo Holiday, isagoo hada dhameystir ay ku dhowyihiin qorshihii uu halkaas u gaarey, waxaana ugu weyn soo qadashada lacago laba nooc ah oo uu shaqeystey.

Lacagaha uu soo qaadan doono Axmed Madoobe ayaa kala ah midii ay lahaayeen Maamul Goboleedyada ee xiriirka ay ugu jireen Dowladda Qadar, iyo lacag kale oo loo balan qaadey hadii uu qabto shir ay ka qeyb galayaan Madaxda Maamul Goboleedyada oo u heshiiyey dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Sida xogta ay sheegeyso lacagaha Jeebka loogu sheubay Axmed Madoobe ayaa gaareysa ilaa sideed milyan, waxaana uu ka lacag batey lacagaha ay heleen Madaxda Maamul Goboleedyada.

Dhaqankan ayaa ka hor imaanaya hadalo horey uu u jeediyey Axmeed Madoobe oo dad badan oo Soomaali ah ay ku qaldameen, isagoo sheegi jirey in loo baahanyahay in la noqdo Wadaniyiin si looga kaaftoomo Wadamo shisheeye.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE