Yaa Hor Istaagey In Madaxweynaha Uu Hor Tago Baarlamaanka, Kuna Baaqo Dagaal Ka Dhan Ah Alshabaab (Xog)

Madaxweynaha Somaaliya ayaa maalinimadii shalay aheyd baajiyey kulan uu ku hortagi lahaa labada gole ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya si uu uga warbixiyo xaaladaha dalka iyo halka loo jiheysanayo.

Arintan oo aheyd mid xasaasi ah ayaa markii ay baaqatey siyaasbooyin kala duwan loo fasirtey, waxaana jirey tallaaoyin ka hor yimid Madaxweynaha in Baarlamaanka uu hor tago, iyadoo ay jirto fashil soo food saarey qorsha la doonayey.

Ujeedada ugu weyn ayaa ahyed in dagaal lagu qaado Degmooyin dhowr ah oo ay ku suganyihiin Maleeshiyada Shabaab, waxaana tallaabada la doonayey in la qaado la tashi la’aan, iyadoo wax tala ah aan la gelin Maamulka Koonfur galbeed oo qeyb ahaan Gobolka uu maamulo.

Waxa soo baxaya warar sheegaya in awoodda Gobolkan  ay noqotey mid soo jiitameysey cidda maamuli laheyd tan iyo sanadkii 2014-kii xilligii dowladda Xasan Sheekh oo Maamulka Koonfur galbeed iyo dowladda dhexe ay isku hayeen.

Qorshaha dagaal ee ugu weyn ayaa ku wajahnaa Shabeelada hoose oo ah halka ay ka degi la’dahaya magaalada Muqdisho, waxaana la ogyahay taariikhda in qaraxyada ugu badan ay ka yimaadaan Gobolkan oo awood Milateri aanay ka joogin dowladda.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa dagaalkan u arkey mid wiiqeysa awoodii uu ku lahaa Shabeelada hoose, mar hadii ay dhacdo in Taliska Farmaajo uu noqdo Afgooye lana qaado dagaal aan laga tala  gelin.

Waana sababta ugu weyn ee keentey in la baajiyo kulankii Madaxweynaha uu ku hortagi lahaa Baarlamaanka, sidoo kale waxa jiro tashwiish lagu furey Gudoonka labada aqal ee baarlamaanka, iyo Xildhibaanada qaar oo loogu baaqey in ay ka baaqsadaan kulanka.

Loolanka Koonfur galbeed iyo Dowladda dhexe ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa soo jiitamayey afartii sano lasoo dhaafey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE