Aar Qoyay Dawaco La Mood! Libaaxii Oo U Ruqaan Saday Sifaynta Dawladiid W/Q Yuusuf Omar

Madaxwayne Maxamed Farmaajo waa madaxwaynaha isku darsaday dhawr arimood oo aan hore loogu arag dalkeena madaxdii soomartay.

Tusaale

  • Waa nin jecel diintiisa,dalkiisa,iyo dadkiisaba oo ku faanaya.
  • Waa nin iskula wayn oo leh qab sare soomaalinimadiisa
  • Waa nin dadka soomaaliyeed simaya qabiiladooda kala duwan si isku mid ah
  • Waa nin jecel midnimada sinaanta iyo cadaalada oo neceb eexda iyo qabyaalada
  • Waa nin samaynaya isbadal oo dhisaya dawlad xoog leh oo soomaaliyeed
  • Waa nin u naxa masaakiinta iyo inta tabartayar oo lagu tunto
  • Mar waa nabadoon, hadana waa dagaal yahan, waa nin naxariis badan, waana geesi sooma jeesta ah, marna waa miskiin u turid badan

Caqabadaha la hor dhigay iyo sidii uu ula macaamilay halkan ka eeg aadna u dhuux oo fahan waxna ka baro oo faa iidayso.

1.Waxaa si bareer ah maalin cad loo toogtay rag ka tirsan dawladiisa oo wasiir ah,isagoo tix galinaya nidaamka dalka u yaal iyo sharciga waxa uu marsiiyay sharciga taasoo gacan ku dhiiglihii maxkamada dalku ku xukunta ciqaabtiisa oo ah dil.waxaa diiday sharciga dalka u yaal oo ka soo horjeed saday beel kamid ah beelaha soomaaliyeed oo tir cardil! Intaa kuma ekaan ee waxay sameeyeen sidii iyagoo la dulmiyay mudaaharaadyo aan kala joogsi lahayn iyo saxaafadii oo ay han jabaadyo iyo caga jugleeyn ka muu jiyeen kuwa jahan madaxwaynaha.Intaa kuma ekaan ee waxay gaarsiiyeen heer ah inayba iyagoo reer hebal ah madax tooyada ugu galayaan oo xoog uga saarayaan!! waxay doonaan bay ku hadleen oo xumaan ah iyo ihaano iyagoo ku tumanaya sharcigii dalka,nidaamkii dawladnimo iyo xurmadii iyo xuquuqdii iyo sharafkii uu ka mudnaa madaxwaynuhu.madax waynuhu waxa uu iska diiday in uu arintaa facaysto waana u samray isagoo eegaya wadciga iyo xaalada dalkeenu marayo hayeeshee doqontu si kale ayay u fasaratay nin ragihi waa og yahay.

2.Dhacdadii bariire ciidankii dawlada ayaa niman dawlad diid ah oo beerihii iyo dhulkii gobolka shabeelada hoose xoog ku haystay xasuuqayna dad iyo duunyaba ka xoreeyay,shacabkii lahaa beerahaa iyo dhulkaa ayaa ku faraxay xoriyada ay heleen. hayeeshee wasiirkii gaashaan dhigu markuu cadeeyay idaacadaha ka sheegay in afduub iyo dawladiid laga saaray bariire laguna laayay,ayaa waxaa beeniyay warkaa taliyihii ciidanka milatariga oo sheegay in ay dawladu laysay dad shacab ah!! sharcigu waxa uu qabaa in maxkamad la saaro taliya oo kadibna la toogto.Farmaajo waxa uu qiimeeyay xaalada iyo garaadka dadka soomaaliyed ay ka fahan san yihiin nidaamka dawlad nimo iyo xaalada guud ee dalku marayo waxba tiir ma taagin waa dul qaatay oo samir door biday.Intaa kuma ekaan ee qaarbaa maydad xafiiskiisa soo daadshay oo yiri adaa dilay ee bixi hada magtooda oo nasii mag? waa uu siiyay oo yiri bal hadaba aasa maydka diintu ma ogola in mayd intaa layska hayo oo la jiid jiido!! kadib waa la aasay. dad baa waxay u qaateen fulay iyo in uu cidaa ka baqayo sidaana maha arinku.

3.Niman dawlada kamid ah ama ha ahaadeen madaxda maamul goboleedyada ama ha ahaadeen kuwa dawlada dhexe ee fadaraalkaba ee ayaa fuliyay shirqool dawlado shisheeye usoo dirsadeen oo ku qaatay malyan iyo bar dollar ah dhiibida muwaadin soomaaliyeed qalbi dhagax.waxaana dusha laga saaray madaxwayne farmaajo oo bari ka ah.ragii waxaa sameeyay waa jibkoodu waa tiirka marka la eego qodobka ah khiyaano qaran.madaxwaynuhu waa u samray oo dulqaatay isagoo eegaya xaalado farabadan halka dad badani u caroodeen oo ay rabaan in uu tiirka saaro ragaas oo dagaalamo iyagoo aan eegaynin geedi socodka nabadaynta iyo isu baadi doonka umada soomaaliyeed.doqontu waxay mooday fulay farmaajo nin rag ahi waa ogyahay.

4.Rag dawlada fadaraalka ka tirsan iyo madaxda maamul goboleed yada ayaa ku tuntay shuruucdii iyo dastuurkii dalka soomaaliyeed.Intaa kuma ekaan waxay sirtii qaranka soomaaliyeed u gudbiyeen oo kula shirkoobeen si bareer ah dawlado shisheeye iyagoo ka war sheekoonaya wax kaleba daayoo xataa go aanadii dawladeenu ka qaadatay khilaafkii dawladaha sucuudiga iyo qadar.waliba waa iskula quman yihiin oo idaacaday la taagan yihiin faldanbiyeedkaas!! Intaa kuma ekaan ee kismaanyo ayaa lagu shiray oo sheegteen in ay iyagu yihiin kuwo ka madax banaan dawlada dhexe ee fadaraalka ah oo ay tahay in ay u taliyaan kana amar wayn yihiin maxaa yeelay bay dhaheen dawladu 40km ayay ka talisaa inta kale dalka anagaa ka talina ayay sheegteen oo cadayn u ah inay shabaab la midoobeen oo dhulka ay haystaan ku ogyihiin.Intaa kuma ekaan ee waxay inkireen gabi ahaanba jiritaanka dawlada fadaraalka ah dawladaana ka danbeeya sida Dawladaha sucuudiga iyo imaraadka iyo masar.badha saabyadaa qooqayna madaxwaynuhu waa u dulqaatay oo samray laakiin doqontu fulay bay moodaysaa nin rag ahi waa ogyahay.

5.Sucuudiga iyo imaraadka iyo masar oo turki raba inay kasaaraan Soomaaliya,fadhiidna ka dhigaan dawlada hada jirta ayaa rag soomaaliyeed soo adeegsaday kuwaas oo ah dawlad diid.waxay laayeen dad ku dhaw 700 oo qof.markay halkan arini marayso madaxwayne heenu farmaajo dulqaadkii waa ka dhamaaday seeftiisii ayuu galka kala baxay waana sugayaa oo  cirib tirayaa dawladiid nooc kasta oo uu yahay,hadaad ogaateen marka in waxa uu yahay farmaajo maxaa loo cabaadayaa maa la adkaysto!!! SHinbirtu libaax geed hoos harsanaya shaarbihiisa ayay ku bood boodaa!! mida kale libaax qoyay dawaco la mood baa ka dhacday. Libaax Farmaajo car nin kii raganimo lehi ha horyimaado oo ha qaabilo dagaalkiisa edbinta eeyasha ah.dulqaad waa dhamaaday go aankuna waa dagaal iyo dhiig badan oo daada cafisna malaha dawlad diid.

Waxaad arkaysaa Xildhibaan FIQI iyo Mahad salaad oo meel walba la taagan aflagaado iyo cay madaxwaynaha iyo beeshiisa iyagoo uugu caga jugleeyay qabiil ahaan iyo shaqsi ahaanba.waxay ku maah maaheen inay inaadeerkiis siyaad bare xoog uuga saareen madax tooyada iyagoo ah reer hebal hadana ay XAMAR inta isku soo uruursadaan sidii shalay ay isagana kasaarayaan si xoog ah.saan shalay kuu xasuuqay baan maantana kuu xasuuqi baa ka dhacday.shaqsi ahaan iyo reer ahaanba soomaali waa kawada dharagsantahay in aan farmaajo cidna ku dhici karin hayeeshee waxaa madaxwaynuhu doonayaa soomaaliya oo ka baxda dhibka dawlad la aanta oo soo ceshata nidaamkii iyo kala danbayntii dawlad nimo.si qofka soomaaliyeed ugu faano soomaalinimadiisa loogana baxo duliga qabiilku leeyahay.nina ku dayan maayo dana kamalaha madaxwaynuhu gafka shaqsiyaadkaas.dadka qaar fulay bay moodayaan nin ragi waa og yahay.

Away ragii laga joogi waayay? Libaax ninkii soo kiciyoow meeshaad gali lahayd ayaa lagaa rabaa? dalku dagaal buu ku jiraa nina guryaha mogdisho noogama dhuuman karo waa kala soo baxaynaa kan qariyana waa tiirka.Adeer arinku wax kale maha waa qori caaradiis iyo dagaal oo kaliya.nin ka hor imaankara dawladaan majiro warkani waa cad yahay cidna umaanaan qarinin.Tiro yar oo dawlad diid ahi dadkayaga iyo shacabkayaga soomaaliyeed ma guumaysan karto 27 sanadood,oo uma diidikaraan inay helaan dawlad nabad iyo nolol.dagaalku waa laba saf oo kala ah mid yar iyo midka badan sida

DAWLAD DIID oo ah tiro yar

DAWLAD DOON oo ah dadka badan dawlad iyo shacab midaysan

Shaarbo libaax ku dheel dheelkeed sidan bay dhashaa!!!

W/Q Yuusuf Omar

mashruuc5@hotmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE