Afgooye Oo La Geeyey Ciidamadii Ugu Badnaa Ee Loogu Talagaley La Dagaalanka Kooxda Shabaab

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa la gaayey Ciidamadii ugu badnaa ee loogu tala galey la dagaalnka Kooxda Shabaab oo maamula dhul badan oo ku yaalla Gbolka.

Ciidamadan oo laga soo qaadey xerooyin kala duwan, ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan heegaan buuxa, iyagoo sugaaya amar ah in ay ku dhaqaaqaan howlgalka la filaayo.

Sida aan xogta ku heleyno Saraakiisha Ciidamada xoogga ayaa waxa lagu wargeliyey deegaanada ugu soo horeeya ee ay qaban doonaan, marka uu soo baxo amarka Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxa diyaar garow ku jira Ciidamada Milateriga ee ku jira Xerooyin ku yaalla galbeedka Gobolka Shabeelada hoose sida Garoonka Balli-doogge.

Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa la aaminsanyahay in ay ku xooganyihiin maleeshiyaadka Shabaab oo kasoo horjeeda jiritaanka Shacabka Soomalaiyeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE