Dhageyso Taliyaha Ciidamada Xoogga Oo Ka Warbixiyey Kulan Uu La Qaatey Taliska Ciidamada AMISOM Ee Soomaaliya Jooga

Talisyada Ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ayaa shalay ku kulmay Xerada Xalane oo ah Taliska ugu weyn ee Howl galka Nabad ilaalinta AMISOM, waxaana ay ka shireen duulaanka lagu qaadayo Al-Shabaab iyo qorshayaasha kale ee amni ee Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa waxaa kala hoggaaminayeen Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod iyo Taliyaha AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle, waxaana la isla soo qaaday howl galka dagaal ee la qorsheynayo in dhowaan lagu qaado Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Jaamac Gorod oo dhowaan xilkan loo magacaabay ayaa sheegay in dalka uu xaalad adag ku jiro, isagoo ka dalbaday Ciidamada AMISOM in gacan ka siiyaan sidii meelaha Al-Shabaab ka taliyaan looga saari lahaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE