Faafaahinno Laga Helaayo Qarax Khasaare Geystey Oo Uu Fuliyey Naftii Halliga Oo Ka Dhacey Bartmaha Bagaalada Boosaaso (Sawiro)

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax uu fuliyay nin naftii halige ah oo ka dhacay meel u dhow Saldhigga bartamaha  magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan aanu geysan khasaare Dhimasho ah, marka laga reebo inuu ku dhintay ninkii fuliyay, Sidoo kale waxaa Jira dad dhaawac kasoo gaaray.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada booliska Puntland ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dambeeyay nin waday gaari gacan.

Qaraxa kaddib Ciidamada ammaanka ayaa riday rasaas laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso.

Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo ay sheegeen Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana bilo ka hor magaaladaas ka dhacay qaraxii u horeeyay ee Kooxda fulisay Daacish ka fulisay Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE