Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Oo Maanta Gaarey Magaalada Gorowe

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee Caasimada maamul Goboleedka Puntland.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari oo ay wada socdaan gudoomiyaha aqalka sare ayaa lagu wadaa in bari ah ay ka qayb-galaan furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee Baarlamaanka Puntland.

Safarka Jawaari uu ku imanayo Garowe ayaa horu-dhac u ah wada hadalka Muqdisho maalmaha soo socda uga furmo doona dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE