Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Gaarey Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gaarey magaalada Jabuuti, ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana uu ka soo kicitimay dalka Itoobiya oo uu gaarey maalintii shalay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport, mas’uuyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Safarka Madaxeynaha Soomaaliya ee maanta ku tegey Jabuuti ayaa noqonaya lugtii saddexaad ee uu ku maro dalalka deriska, waxaana uu horey u soo booqday Uganda iyo Itoobiya oo kamid ah dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan.

Madaxweynaha ayaa dalalka deriska kala hadlaya sidii dagaal ballaaran loogu qaadi lahaa al-Shabaab loogana saari lahaa degaanada ay ka taliyaan, kadib qaraxii weynaa ee lagu diley in ka badan 350 qof kaas oo dhacay 14 Oktoobar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE