Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatey Dhigiisa Dalka Jabuuti (Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, waana safarkii u dambeeyay ee socdaalka uu ku marayo dalalka deriska ah ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo si qoto dheer ay uga hadleen xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Jabuuti oo xilligan ah Hoggaanka Ciidamada AMISOM ayaa waxaa madaxweyne Farmaajo kala hadlay madaxdeeda sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE