AMISOM Oo Dad Shacab Ah Ku Laayey Deegaanka Lafoole Iyo Warar Kala Duwan Oo Kasoo Baxaya

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa barqanimadii maanta dad Shacab ku rasaaseeyey deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaabka ay wax u dhaceen.

Sida la sheegayo Ciidamada AMISOM ayaa rasaas ku asqeeyey dad shacab ah oo laamiga ku sugnaa, iyo ardey macallinkooda, iyadoo Ciidamada ay khasaare u geysteen dadka deegaanka.

Rasaasta ayaa timid ka dib markii Ciidamada AMISOM lagu soo qaadey dagaal iyo qarax, Alshabaab ayaa weerar dhaba gal ah kusoo qaadey Kolonyada mareesey wadada dheer ee laamiga.

Dadka dhintey ayaa gaaraya ilaa 18, qof oo rayid ah iyo halka dhaawaca uu intaasi ka badanyahay, dadka geeriyoodey ayaa waxa ka mid ah ardey iyo Macallinkooda xilli ay kasoo baxeen iskuulka.

Sidoo kale dadka kale ee geeriyoodey ayaa waxa ku jira wariye u shaqeenaayeen Radio Dayax oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala  degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose.

Weli ma jiro wax maamul ah oo ka hadlay dhacdada Ciidamada Midowga Afrika ay ku laayeen dadka Shacabka ah ee ku sugnaa Deegaanka Lafoole, iyadoo markii dambe halkaas ay isaga tageen Ciidamada falka geystey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE