Faafaahinno Dheeraad Ah Oo Laga Helaayo Dagaal Culus Oo Saake Ka Dhacey Duleedka Magaalada Muqdisho

Wararka saake naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in saake dagaal culus uu dhex marey Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab iyo Kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM.

Dagaalka oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa wuxuu ka dhacey deegaanka Lafoole, oo ku yaalla wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana halkaas leysku adeegsadey hub culus oo labada dhinac ay is dhaafsadeen.

Wararka ayaa tilmaamaya in Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo Ciidamada AMISOM, iyagoo weerarka ku bilaabey qoryaha garbaha laga tuuro ee Baasuukaha, walow la sheegay in meel cidla ah uu isaga dhacey isagoo aan geysan wax khasaare ah.

AMISOM ayaa rasaasta lagu furey kaga jawaabtey hubka culus ee ay adeegsadaan, waxaana labada dhinac goobta ku dhex marey dagaal culus oo muddo kooban socdey.

Xilliga is rasaaseynta dhaceysey ayaa wadada waxa maraayey gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah, iyadoo ay jiraan  dad wax ku noqdey rasaasta labada dhinaca ay is dhaafsadeen.

Ilaa seddax qof ayaa warar aan helnay ay sheegayaan oo dhaawac uu kasoo gaarey dagaalka, kuwaas oo loo qaadey goobaha caafim aad ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE