Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif Ee Magaalada Beledweyne Oo Xirmey (Sawiro)

Garoonka Diyaaradaha eek u yalla Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ugaas Khaliif ayaa xirmey ka dib markii ay fariisin ka dhigteen biyaha xareedda.

Sida lagu soo waramayo Garoonka ayaa maalintii labaad xiran, waxaana diyaaradaha loo sheegey in ay ka degi Karin Garoonka oo u baahan diyactir iyo in shaqooyin kale laga qabto.

Dhamaan xarumihii shirkadaha diyaaradaha ay ku lahaayeen Garoonka ayaa la xirey sababo lagu in wax shaqo ah aanay ka socon Garonka oo saameyn ay ku yeesheen roobabka xilliga Deyrta oo maalmihii lasoo dhaafey ka da’aayey Gobolka Hiiraan.

Diyaaradihii rakaabka ee ka degi jirey Garoonka ayaa loo weeciyey Magaalada Guriceel, iyadoo ninka raba Beledweyne uu ka degeyaao halkaasi, ka dibna uu kasoo raacaayo gaari si uu usoo gaaro Beledweyne.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE