Gudoonka Labada Gole Ee Baarlamaanka Fedaraalka Oo Maanta Ka Qeyb Galey Furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland (Sawiro)

Madaxweynaha ayaa waxaa Furitaanka kalfadhiga  40-aad ee Golaha Wakiilada dawadda Puntland kala qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabullaahi, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, , xubno ka socdey beesha caalamka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Isimo, nabadoono waxgarad, siyaasiyiin iyo martisharaf kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo khubadiisa dastuuriga ahka jeediyey furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland   ayaa waxa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka dawladda  ee u qabsoomay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi ee sanadkan 2017.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa ay ka gaadhey arrimaha amaanka waxaana uu yidhi Madaxweynuhu.

“Mudanayaal, sida aan wada ogsoonahay guud ahaan xaaladda Amni ee Puntland ee Bilaha Luulyo, Agoosto iyo Sibteembar 2017-ku waa wanaagsanayd, waana deganayd; Hase yeeshee maaddaama ay Punland ka mid tahay dalweynaha Soomaaliya, waxaa marar badan ka dhacay falal fulaynimo iyo gaadmo ah oo ay geysteen kooxaha argaggixisada ah (Alshabaab iyo Daacish) iyo huwantooda, waxaana ka mid ah qaraxyadii la-qabtay, Dagaalkii Af-ururiyo mirtii Kontroroolka Boosaaso” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Mudanyaal, Waxay Dawladdu amartay in hay’adaha amnigu adkeeyaan ilaalinta xeebaha Puntland, taasoo suuro galisey in 23/09/2017 la qabto dooni siddey hub, waxayna Dawladdu fartay laamaha amniga hubinta iyo baaridda gaadiidka soo galaya xuduudaha dalka” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE