Kooxda Daacish Oo Sawirka Ciyaaryahaan Mesi Ka Dhigeysa Mid Lagu Cabsi Gelinaayo Dalal Caalamka Ku Yaala (Sawiro)

Ururka ISIS ayaa durba bilaabay cabsi galinta taageerayaasha isku diyaarinaya iney ka qeyb galaan dhacdada koobka Aduunka ee Russia lagu balansan yahay bartamaha sanadka soo aadan, waxeyna adeegsadeen sawirka Lionel Messi oo dhiig oynaya sidoo kalana u muuqda mid maxbuus ah.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli si weyn la isugu diyaarinayo dhacdada, durba waxaa sii carbuuntay ka qeyb galka tartanka in ka badan 20-wadan kuwaas oo ay dadkooda isku diyaarinayaan iney safar ku aadaan Russia una soo daawadaan geesiyaashooda.

Sawirada lagu baahiyay baraha bulshada iyo website-yada ayaa u muuqda kuwa cabsi galin kara ugu yaraan taageerayaal imaan lahaa Russia.

Fariinta ugu culus ee loo diray taageerayaasha kubadda cagta ayaa loo qoray sidaan: “Waxaan ku dhaaranayaa in dabka mujaahidiinta uu idin gubi doono, kaliya suga” waxaana qoraalkaas lasoo raaciyay sawir shaqsi ay ugu yeereen Jihaadiiste taagan meel u dhaw garoon kubadda cagta ah.

Isbuucii lasoo dhaafay ayey aheyd markii la bilaabay arintaan lagu argagax galinayo taageerayaasha waxaana la fahamsan yahay in ISIS ay ka go’an tahay iney carqaladeeyaan dhacdada lagu balansan yahay Russia madama ay aargoosi yahiin.

Warbaahinta reer Galbeedka waxey ku tilmaameen cabsi galintaan mid been abuur ah isla markana la doonayo in kaliya lagu hakiyo qul-qulka dadka ee wadanka Russia, waxeyna arintaan imaaneysa xilli kumanaan kun oo taageerayaal Ingiriis ah ay isku diyaarinayaan iney aadaan dalkaas.

Koobka Aduunka ee dhici doona xagaaga soo aadan waxaa lagu martigalin doonaa 11-magaalo, wuxuuna socon doonaa 14-ka June ilaa 15-ka July iyadoo final-ka lagu ciyaari doono garoonka Luzhniki Stadium ee ku yaala Moscow.

Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta reer Galbeedka sawiradaan waxaa baraha bulshada ku baahiyay hay’adda Islaamiga ah ee Wafa’ Media Foundation kuwaas oo isha ku haya iney sii huriyaan cabsi galinta taageerayaasha kubadda cagta.

W/Q Abdirashid Mohamud “SHarDinHO”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE